waxaan joognaa duni ay wax walba yihiin kuwa degdeg ah. Waxaa isdhexgalay shaqooyinkii iyo noloshenna gaarka ah, waa ay adkaatay gaarista guulaha yaryar, iyo la socoshada howlaha maalinlaha ah. Manta waxaan kula wadaagaya Habka 3-3-3 method — oo ah hab fudud oo awood leh oo ku siinaya nidaam wax soosaarna u yeelaya maalintaada. Hadaba aan barano sida uu u shaqeeyo:
Tallaabada 1: 3 Saacadood oo Shaqo Qoto Dheer ah ⌛
Ku bilow maalintaada adigoo u qoondeynaya 3 saacadood oo shaqo qoto dheer ah — sadexdaan sacadood waa kuwa aad shaqo gooni ah diiradda saareyso kana ilaali wax ku mashquuliya ama ku qasa. Dooro hawsha mudnaanta kuu leh ama midda adag oo xoogga saar, ha ahaato mashruuc, cilmi baaris, ama shaqo hal-abuur leh. Shaqada qotada dheer waxay kaa caawineysaa inaad horumar la taaban karo sameyso waxayna ku siineysaa dareen guul.
Talo : Aqoonso saacadaha aad ugu fiican tahay aad diiradda wax saari kartid (subax ama galab) oo ilaali waqtigan si aad uga fogaato wax ku masquuliya.
Hadaf: Dhameystir mashruuc muhiim ah ama horumar la taaban karo ku sameey 3-daan saacadood.
Tallaabada 2: 3 Guul oo Yaryar 🎉
Kadib shaqada qotada dheer, beddel dareenkaaga adigoo qabanaayo 3 guul oo fudud— ka shaqeey hawlo yaryar oo lagu qaban karo waqti ka yar 15 daqiiqo midkiiba. Kuwani waxay noqon karaan ka jawaabidda iimaylada, hagaajinta goobtaada shaqo, ama diyaarinta qorshahaaga berri. Guulaha yaryar waxay ku siinayaan dhiirrigelin waxayna kaa caawinayaan in aad maskaxda kala hagaajiso.
Tusaalooyin : Ka jawaab 5 iimayl, nadiifi desktop-kaaga, ama samee jadwalka howlahaaga.
Hadaf : hadafka waa in aad darentaa wax soosaar adiga oo anan bixinin waqti badan
Tallaabada 3: 3 howl oo joogta ah maalin kasta ah (maintenance activities)🔋
Ugu dambeyntii, waqti qoondee 3 hawl oo maalin kasta lagaa rabo ama maalin kasta soo noqnoqda — ka shaqee howlaha maalinlaha ah ee taageeraya caafimaadkaaga, sida socodka, diyaarinta cunto caafimaad leh, ama hagaajinta goobtaada shaqo. Kuwani waa howlo kuu ilaalinaya firfircoonidaada waxayna kuu xaqiijinayaan inaad maalin walba xasilooni dareento.
Tusaalooyin: 10-daqiiqo oo jimicsi ah, qoraal samaynta, ama diyaarinta cuntadaada.
Hadaf : hadafka waa in aad ilaaliso tammartaada si aad maalin kasta u ahaatid qof wax soo saar leh oo firfircoon.
Faaidada Habka 3-3-3 ❤
Habkan wuxuu kusiinayaa isku dheelitirnaan adigoo xoogga saaraya howlaha waaweyn iyo kuwa maalinlaha ahba. Waxaad qabaneysaa shaqooyin waaweyn, waxaad ka helaysaa dhiirigelin guulaha yaryar, waxaadna daryeeli kartaa naftaada si aad uga fogaato daal.
Waad ku mahadsantahay akhrintaada, Habkaan waxa uu kamid ah yahay farsamooyinka aan ugu jeclahay marka laga hadlaayo wax soo saarka (Productivity). Hadii aad ka heshay kan manta waad ka heli doonta Empowerment Edition oo ah Newsletter kan lamid ah oo aan keliya xoogga ku saaro Productivity. Marka aad xubin ka noqoto Empowerment Edition waxaad heleysaa Newsletter-ka oo muqaal ah, cod ah waxaana kuu dheer in aad la socoto warqad la yiraahdo Worksheet oo kaa caawineysa dhaqangelinta farsamooyinka aad baratay.
Qeybta ugu cajiibsan Empowerment Edition waa in ay kusoo gaareyso sabti kasta adiga oo bishii bixinaayo $2 keliya, Reply so gal si aad xubin ugu noqoto.
FREE course: YouTube-ka waxaan soo dhigay koorso cusub oo ku saabsan sida aad kubedeli karto hab-ferkaaga (Mindset), kudhufo link-gaan si aad u fiirsato 🙂